Dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo jeeda waddamada deriska ah

Sharaxaada Mashruuca

Horyaal: Mashruucu wuxuu dhiirrigelinayaa soo laabashada qaxootiga Soomaaliyeed ee ka imaanaya dalalka deriska iyo dadka ku barakacay waddanka gudihiisa isagoo u maraya hannaan ku saleysan is-dhex-gal bulsho.
Guddiga: Wasaaradda Federaalka Jarmalka ee Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (BMZ)
Wadanka/Dalka: Soomaaliya
Hay'adda fulinta: Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka
Muddo Guud: 2015 ilaa 2019

Menschen in Kismayo (3)

Qiimaynta xaaladda

Dagaalka sokeeye ee Soomaaliya ka socday in ka badan 25 sano ayaa carqaladeeyey dhammaan kaabayaasha siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha, wuxuuna horseeday xaalad nololeed oo liidata oo soo wajahday inta badan dadweynaha. Sidaas awgeed, tan iyo 1991, dalka oo idil waxaa loo tixgeliyey inuu yahay dal fashilmay. Dowladda cusub iyo dowlad-goboleedyada soo koraya waxay la daalaa dhacayaan sidii ay adeegyo u gaarsiin lahaayeen dadkooda.

Tirada qaxootiga ka tagaya Kenya ee ku noqonaya Soomaaliya ayaa si wayn kor ugu kacday tan iyo sanadkii 2015 iyadoo gaartay 75,000. Dadka laabanaya badankood ayaa aadaya magaalada dekedda leh ee Kismaayo, halkaas oo uu ka jiro mashruuca la yiraahdo ‘Dhiirrigelinta soo laabashada qaxootiga Soomaaliyeed ee loo marayo hannaan ku saleysan is-dhex-gal bulsho”. 
Mid ka mid ah hawlaha muhiimka ah ayaa ah sidii dadka laabanaya iyo barakacayaasha looga caawin lahaa is-dhex-gal bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Tirada dadweynaha sii kordhaysa ayaa cuslayneysa khayraadka iyo kaabayaasha ka jira magaalada Kismaayo halka suurtagalnimada colaad dhex mari karta barakacayaasha, dadka laabanaya iyo dadka deegaanka, ay tahay mid sii kordhayso. Dad aad u badan ayaa ku loollamaya adeegyada aasaasiga ah ee markii horeba yaraa iyo kaabayaasha dadweyne ee tabarta daran.

Hadaf

Horumar ayuu sameeyey hab nololeedka dadka laabanaya, barakacayaasha, iyo bulshooyinka martida loo yahay.

Solar_Trainees

Hannaan

Mashruucu wuxuu bulshooyin la xushay ka taageeraa is-dhex-galka dadka soo laabanaya ee ka imaanaya dalalka deriska ah iyo dadka waddanka ku barakacay. Waxaa sidoo kale mashruuca ka faa’iidaysta bulshooyinka martida loo yahay. Mashruucu wuxuu ka hawlgalaa goobo kala duwan si loo horumariyo nolol maalmeedka dadka. Dhisidda kaabayaasha bulshooyinka, dakhli soo saarista iyo taageerada maamullada deegaanka iyo hay’adaha ayaa ka mid ah adeegyada muhiimka ah ee mashruucu fuliyo. Mashruucu wuxuu wada shaqayn la leeyahay hay’ado kala duwan oo aan dowli ahayn oo isugu jira kuwo qaran iyo kuwo caalami ah. Ahmiyaddu waa sidii loo heli lahaa hannaan loo dhan yahay oo ay qayb ka yihiin dhammaan kooxaha la bartilmaameedsanayo iyo go’aan sameeyayaasha dowladda.

Iyadoo la kaashaneysa bahwadaagta dowladda iyo bulshada rayidka ah, isla markaana metelaysa Wasaaradda Federaalka ee qaabilsan Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (BMZ), hay’adda Deutsche Gesellschaft für Internationale Zusammenarbeit GmbH (GIZ) waxay dadweynaha siisaa fursado tababar: Dadku waa ay sii wadan karaan tababarradooda waaxaha barashada korontada, farsamada alwaax-qoridda ama teknoljiyada cadceedda iyo kuwa kale. Haddii ay rabaan inay sameystaan ganacsiyo yar-yar ayna u baahan yihiin raasummaal billow ah, mashruucu waxa uu siinayaa la-talin wuuna ku wehelinayaa dhabbahan. Taageero khaas ah ayaa la siiyaa dadka da’da yar iyo haweenka ku khasbanaada inay kaligood xannaaneeyaan qoysaskooda. 

Hab kale oo ay suurtagal tahay in qofku ku billaaban karo mihnad waa shaqo-siin toos ah oo mushahar la bixiyo: Iyagoo wada jira, dadka soo laabanaya, dadka barakacay iyo bulshada martida loo yahay waxay dayactirayaan kaabayaasha gobolka sida waddooyinka, buundooyinka iyo tuubbooyinka biyaha. Marka laga soo tago in habkani yahay hab dakhli samayn muddo gaaban ah, waa hab abuuraya fursado mihnadeed oo waari kara. Qaybaha kala duwan ee mujtamaca ayaa si fiican isugu barta, wuxuuna yareeyaa xiisadaha isagoo sidoo kalena horumariya xiriirkooda. Kaabayaasha suuqyada oo la horumariyo waxay sahlaan inay dadku helaan cunto iyo dakhli. Iskuul lagu barto ummulisinimada wuxuu gacan ka gaystaa horumarinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah. 

Mashruucu wuxuu sidoo kale ka taageeraa dowladda is-dhex-galka siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee dadweynaha iyo dib u dhiska colaadda iyo abaarta kaddib.
 

Women Group

Saamayn

Mashruucu wuxuu taageeraa maaraynta cawaaqibka bini’aadannimo ee ka dhasha colaadaha hubaysan iyo abaarta. Midaynta tallaabooyinka taageero ee la isku duway, oo ay ku jiraan xarumaha kaabayaasha, awood-kobcinta iyo helitaanka hababka lacag amaahinta loogu talagalay horumarinta ganacsiga iyo taageerada hay’adaha ugu muhiimsan ee iskaashiga la leh bulshada si loo bixiyo adeegyada lagama maarmaanka ah, ayaa la ogaaday inay tahay aragti guulaysan karta. Waxaa intaas dheer oo arrinkan taageeraya dhiirrigelinta la siinayo haweenka iyo dhallinyarada iyo dabikhidda mabaadi’da xuquuqda aadanaha iyo takoor la’aanta. Habka is-dhex-galka si loo helo isku xirnaan bulsho oo u dhaxeysa dadka soo laabanaya, barakacayaasha iyo dadweynaha deegaanka ee uu mashruucu hirgeliyo wuxuu dhimaa suurtagalnimada colaad wuxuuna gacan ka gaystaa xasilloonida bulshada. Mashruucu wuxuu ku gaaraa is-dhex-galkan bulsho iyo dhaqaale isagoo u maraya tallaabooyin tababar iyo xirfad abuur, oo ay ku jiraan waaxo hal-abuur sare leh sida tamarta cadceedda, telefoonnada gacanta, balse sidoo kale iyadoo loo marayo hawlo hal-abuur, oo ay weheliyaan helitaanka lacag ganacsi lagu billaabi karo. Waxaa intaas sii dheer in mashruucu abuuro nidaamyo waaraya oo u adeegaya dadweynaha idilkood – tusaale suuqa, xarunta haweenka, biyo-gelinta isbitaalka – isagoo sidoo kalena abuura kobac dhaqaale isla markaana dhiirrigelinaya dhismaha shirkado iyo ganacsiyo, abuurista shaqooyin iyo bixinta khubaro tababaran. Waaxaha waxay si toos ah gacan uga gaystaan yareynta saboolnimada.

Additional information