Kalluunku waa nafaqo

Sharraxaadda Mashruuca

Cinwaanka: Horumarinta Amniga Cuntada iyo Nafaqada ee Dadka Nugul ee ku nool Kismaayo iyadoo loo marayo Helitaanka Badeecooyinka Kalluumaysiga
Waxaa xil-saaratay: Wasaaradda Federaalka ee Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Jarmalka (BMZ)
Dalka: Soomaaliya
Hay’adda Hormuudka ka ah Fulinta: Wasaaradda Qorshaynta iyo Arrimaha Caalamiga
Muddada Guud: 2017 ilaa 2021
 

Traditionelle Anlandung von Fisch in Kismayo

Dulucda

Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, taas oo fidsan in ka badan 3,330 km. Inkastoo ay qani ku tahay khayraadka badda, haddana, waxay leedahay tirada ugu hooseysa caalamka ee dadka cuna kalluunka. Inkastoo aan loo baahnayn xeelado kalluumaysi oo khibrad sare u baahan, si loo soo qabto kalluunka noocyadiisa kala duwan sida tuunaha, qashaarka, argoosatada, shirimbiga, Soomaalidu dhaqan ahaan waa dad aan caado u lahayn kalluumeysiga iyo cunista kalluunka. 

Arrintan ayaa si gaar ah yaab u leh maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ay ka jirto cunto yarida ugu baahsan caalamka, xilli helitaanka kalluunku uu ilaa xad u sahlan yahay dad badan oo Soomaaliyeed.

Caqabado kale oo ka sii daraya xaaladda waxaa ka mid ah jiritaan la’aanta suuqyo lagu iibiyo kalluunka iyo khasaare ballaaran oo lala kulmo qabashada kalluunka kaddib, taas oo loo aaneeyo si xun u maareynta iyo qaboojiyayaal la’aanta. Waxaa intaas sii dheer, jiritaan la’aanta siyaasado, xeerar iyo ilaalo ayaa sababtay kalluumaysi sharci darro ah oo heerkiisu sarreeyo isla markaana aan la tebin, kaas oo khasaare ba’an u gaysta dhaqaalaha isla markaana yareeya inay dadka deegaanka helaan kalluun ku filan.

Hadafka

Sahlidda helitaanka badeecoyinka kalluumeysiga ayaa sare u qaadday amniga nafaqada iyo cuntada ee qaxootiga soo laabanaya, dadka barakacay iyo dadka nugul ee ku nool magaalada Kismaayo.
Hannaanka
 

Somalia Fisch 2

Hannaan

Iyadoo la adeegsanayo hannaan is-dhex-gal, mashruucu wuxuu si takoor la’aan ah ula tacaalaa dadka ku barakacsan gudaha Soomaaliya iyo qaxootiga ka soo laabanaya dalalka Yemen iyo Kenya, iyo sidoo kale bulshooyinka nugul ee martida loo yahay.

Mashruucu wuxuu isku dayaa inuu gaaro istiraatiijiyad saddex laab ah oo waafaqsan siyaasadaha u degsan dowladda. 
Ugu horrayn, wuxuu adeegsadaa olole dhanka warbaahinta ah iyo hawlo ammaan ah oo lagu waciygeliyo faa’iidooyinka cunista kalluunka. 

Wuxuu deetana taageeraa tallaabooyinka horumarinta awoodda iyo adeegsiga teknolojiyada oo gacan ka gaysta kordhinta helitaanka badeecooyinka kalluunka iyadoo la horumarinayo hawlaha socodsiinta, kaydinta iyo suuq-gaynta kalluunka. 

Iyo tan saddexaad, sidii looga shaqeyn lahaa soo celinta kaabayaasha bulshada iyo wax-soo-saarka. Waxaa tan ka mid ah ballaarinta xarumaha daryeelka caafimaadka aasaasiga ah, awoodsiinta xarumaha caafimaadka sidii ay u bixin lahaayeen la-talin dhanka nafaqada, iyo dayactirka suuqyada guud ee leh dukaannada iibka ee loogu talagalay badeecooyinka kalluumeysiga.

Si ay u fuliso hawlahan, Hay’adda GIZ waxay kala kaashaneysaa ururrada maxalliga iyo kuwa caalamiga ah iyo sidoo kale hay’adaha dowladda.

Somalia Fisch 1

Natiijoyinka

Ka dib guushi tababarka iyo ololaha wax ogeysinta, Suqa Kalunka nadafadiisa kor bu uqaadmey. Arintani waxey suura gelisay helitanka kalunka fareshka ah. Arintan waxaa mahadgelin gaar ah ku leh, iskaashiga ganacsatada.  Kalunka hada laga dabto magaalada Kismayo waxaa lagu keydiyaa talaagado baraf ku qaboojiya. Talaaboyinkan hore waxey surageliyen cunitaanka kalunka, isla markaana wax ka badeleen fikradaha dadka weyn ey ka qabaan kaluun cunitaanka.  GIZ waxey as aastey urur ka shaqeya arimaha kaluumeysiga oona sabab unoqda horkaca mowqifaadka caawinaya saameynta arimahan. Ururka wada shaqeynta waxuu ka kooban yahey shaqsiyaad matalaaya hayadaha arimahan ka masuulka ah waxeyna iskugu jiran NGO’s iyo waaxyo ku hool leh arimaha horumarinta. Muhiimada ururka  waa in la abuuro xal  iyo hab is weydaarsi islamarkaana wada xariir oo salkiisu yahey horumariin iyo wadaxaajod kadan arimaha kalumeysiga. 

Mashruucan waxaa lagu xariiriyey qaabka isweydaarsiga ee calaamka uuna ka mid yahey iskutaga NGO’s ka jira Soomaliya. Arintan waxey suura gelineysaa wax ka karorsiga iyo jiritanka mashruuca. Ururka wada shaqeynta waxuu horyaal u yahey waxda deeqda iyo iskaalmeynta ee magaalada Kismaayo. Mashruucan waxaa horyaal u ah Wasaarada Kaluumeysiga iyo Kheyraadka bada iyo Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalimiga, sidaa awgeedna ku hoolleh wadaa xariirka heyadaha caalimiga iyo kuwa gudaha oo arimahan ku howl jira. 
 

Additional information